Maamulka Hawada Soomaaliya oo sare loo qaaday 30 sano kadib

Published: January 26, 2023

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, oo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada, oo ugu dambeesay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Dulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay darajada ay gaartay hawada Soomaaliya

Sidoo kale waxa ay u mahadcelisay hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalka uu la soo wareegay maamulka Hawada.

Horseed Media