Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray awaamiir ka dhan ah Mooto bajaajka-Dhegayso

Published: February 13, 2018

Mudooyinkii ugu dambeeyey Magaalada Baydhabo waxaa ku soo badanayey gaadiidka yar-yar ee loo yaqaan Mooto bajaajka, taasi oo sababtay in wadooyinka magaalada ay noqoto kuwa ciriiri ah oo ay dadka iyo gaadiidka kaleba ay iskula gooshi waayaan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Maamulka koofur Galbeed iyo laamaha ammaanka ayaa waxay ay sheegeen in la yareeyo isticmaalka Mooto Bajaajka, isla markaana la isticmaalo taarikooyinka iyo leysanka oo inta badan aysan heysan wadayaasha gaadiidka.

Wadayaasha gaadiidka ayaa sidoo kale la faray in aysan ka yaraan karin 18 sano, ciddii lagu arkana xabsiga la dhigo doono.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *