Maamulka Koonfur Galbeed Oo Xukun Dil ah Ku Fuliyey Seddex Askari

Published: October 21, 2023

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay seddex askari oo lagu kala magacaabo Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militariga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo ka tirsan Booliiska Koonfur Galbeed.

Labada askari ee hore Xuseen Gurey iyo Cabdiwaaxid ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan (June\18 \2018).

Halka askariga Cabdulaahi Borow uu dilay Isgoowe Maxamed Aadan, bishii 03\Juun\2023, marxuumka oo ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal ayaa u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

Horseed Media