Maamulka Mudug Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Ammaan Ee Gobolka [Dhagayso]

Published: February 6, 2012

Gudiga amniga gobolka Mudug ayaa maanta shir xasaasi ah oo ay albaabadu u xirnayen ku yeeshay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacayo.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii u danbeeyay ee gobolka Mudug iyo dil xalay loo gaystay alaha u naxariistee godoomiyihii xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo kooxo aan haybtooda la aqoon ay ku toogteen xaafadda Israac.

Godoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo markii uu soo dhamaaday shirkan saxaafada banaanka kula hadlay ayaa waxaa ugu horayntuu tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacayo.

Dhagayso Codka Godoomiyaha Gobolka Mudug

[powerpress]

Godoomiyaha ayaa ku tilmaamay in dilka -AHN- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle uu ahaa mid la soo qorsheeyay oo aan ka duwanayn dilalkii hore ee loo gaystay qaar ka mid ah odaayshii xaafada iyo masuuliyiintii ka horaysay

Mudane Tigey ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqay shacabka ku nool gobolka Mudug in ay u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen gobolkooda isla markaana ay uga adkaan lahaayeen dadka ku soo duulay ee danaha gaarka ah ka leh gobolka .

Godoomiyaha ayaa sido kale sheegay in maamulka gobolka mudug oo aad u canbaareenayo falkii lagu laayay dad la sheegay in aysan waxba galabsan oo lagu dilay xaafadda Baraxley ee uu ka arimiyo maamulka Gal-Mudug

Waxaana falkaas ay ku tilmaameen mid waxshi nimo ah oo aan waafaqsanayn shareecada islaamka isla markaana aan loo baahnayn in lagu dag dago dilka qof aan waxba galabsan .

Ugu danbaytii Godoomiyaha ayaa uga digay shacabka gobolka Mudug in ay indhaha ka fiirsadaan gumaadka lagu haayo waxgaradkooda oo ay la shaqeeyaan ciidanka iyo maamulka gobolka lana socodsiyaan wixii macluumaad ah oo qalqal galin kara amaanka gobolka Mudug.

 

Horseed Media