Maamulka Shabeellada Dhexe Oo ka Digay fatahaado ka Dhaca Deegaanada Gobolkaas.

Published: March 28, 2017

Iyadoo guud ahaan goboladda koonfureed looga diyaargaroobayo xili-roobaadka ayaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan wuxuu Maamuladda degmooyinka gobolkaas ugu baaqay in ay u diyaar garoowaan suurtagalnimada fatahaado laga yaabo in uu sameeyo webiga Shabelle oo mara deegaanno badan oo gobolkaasi ah.

Guddoomiyaha oo booqday tuulada beexa oo hoostagta Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan maamulada Degmooyinka,isla markaana kala shaqeeyaan kahortagga fatahaadaha.

wuxuu soo jeediyay in ay lagama maarmaan tahay in maamulada Degmooyinka Gobolkaas ay u diyaar garoowaan Fatahaado laga yaabo in uu sameeyo Webiga Shabelle madaama ayuu yiri la galay xili roobaad,isagoo Alle ka baryey in roobabka Sanadkaan ay noqdaan kuwo lagu baraaro.

Webiga Shabeellle ayaa inta badan xili roobaadka waxa uu sameeyaa fatahaado Sababa khasaarooyin kala duwan oo soo gaara dadka iyo duunyada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *