Maamulka cusub ee Suuriya ayaa wada olole amni oo ka dhan ah waxa uu ku tilmaamay “haraadiga” xukunkii madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad, iyadoo howlgallada ay ka socdaan qaybo badan oo dalka kamid ah.
Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in dowlada cusub ay “hawlgal ballaaran oo nadiifin ah ka wado” meel u dhow magaalada Latakia ee ku taal xeebta waqooyi-galbeed ee Suuriya.
Hawlgalkan ka socda deegaanka ay ku xooganaayeen taageerayaasha al-Assad ee Calawiyiinta – ayaa yimid iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay is abaabulayaan haraadiga maleeshiyaadkii Assad”, SANA ayaa ku sheegtay qoraal lala wadaagay baraha bulshada.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalka ammaanku uu diiradda saaray askarta iyo saraakiisha ciidamada Suuriya ee xiriirka la leh Al-Asad iyo walaalkiis, Maher al-Assad, oo ahaa taliyihii hore ee militariga.
Cadaadiska ayaa imaanaya maalmo kadib markii 14 askari oo booliis ah lagu dilay wax ay mas’uuliyiintu ku sheegeen “weerar gaadmo ah” oo ay ciidamada daacada u ah al-Asad ka fuliyeen gobolka Tartous, oo ah deegaan kale oo ku yaal xeebta galbeed ee Suuriya.
Wasiirka arrimaha gudaha Mohammed Abdul Rahman ayaa Khamiistii ballan qaaday inuu tallaabo adag ka qaadi doono “qof kasta oo ku dhiirada inuu waxyeeleeyo ammaanka Suuriya ama uu khatar geliyo nolosha muwaadiniintiisa”.
Horseed Media