Maamulka W.haweenka ee Bari oo ku baaqay in la gargaaro haween tacadi loo geystey

Published: February 11, 2012

Maamulka wasaaradda haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska Puntland ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay bulshada gobolka iyo guud ahaan umadda samaha jecel inay gacan bini aadminimo u fidiyaan 2-haween ah oo tacadi lagula kacay.

Agaasimaha wasaarada haweenka ee gobolka Bari Marwo Ayaan Nuur Muuse ayaa sheegtay in bulshada iyo hay’adaha samafalkaba ay tahay inay u gargaaraan labadaas gabdhood oo ay dhalashadoodu Ethiopian tahay kuwaas oo kufsi iyo dhaawacba loo geystey.

Ayaan Nuur ayaa mar aan weydiiney qaabka uu u dhacay tacadiga haweenkan loo geystey iyo cidda u geysateyba waxay sheegtay in mid kamid ah labadaas gabdhood oo shaqo doon ah ay sadex nin ku kufsadeen meel u dhow degmada Carmo ee gobolka Bari.

Maamulka iyo taliska ciidamada Booliska ee degmada Carmo ayey sheegtay inay raggaas gacanta kusoo dhigeen intaas kadibna gabadhii dhibana ahayd la keenay magaalada Boosaaso oo ay degen tahay mid kale oo ay qaraabo yihiin taas oo leh meel Doobi (Lamandaayo) ah oo dhar lagu dhaqo.

Ayaan ayaa intaas raacisay in labo beri kahor uu nin askari ahi dhaawacay labadan haweenka ah oo ku sugnaa goobta doobiga (Lamandaayada) ah dhexdeeda kadib markii ay u diideen dhar uu sheegay loo dhaqay oo ay u hayaan haseyeeshee aanu iyaga u dhiiban.

” Dulmigu waa denbi weyn, hal qof dulmi uu galay ayaa umad dhan loo rogaa, qofka awoodda lihi marka uu qof aan itaal lahayn dulmiyana way kasii daran tahay” agaasimaha wasaarada haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ee gobolka Bari ayaa tiri.

Waxayna intaas raacisay: ” Soomaalidu meel walba way yaacsan yihiin mana ogola in sidaas oo kale loola dhaqmo, ceeb bay inaku taya in dad qaxooti ah oo misaakiin ah weliba dumar ah waxyeelo intaas le’eg loo geysto, balse dadka waxgaradka ahi falkaas oo kale kuma kacaan dad aan wax aqoon ayaa sidaas yeelay”

Ayaan Nuur Muuse ayaa ugu danbeyntii ugu baaqday bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan waxgaradka inay ku dadaalaan sidii looga hortegi lahaa in arintaas oo kale ay dib usoo noqoto maadaama ay tahay mid xuquuqda aadanaha liddi ku ah sharciga islaamkana ka baxsan.

Muhaajiriinta Ethiopianka u badan ee ku safra jidka dheer ee isku xira gobolada dalka Soomaaliya ayaa la kulma tacadiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin: Kufsi, Dhac, iyo in lagu shaqeysto kadibna loo diido xaqii ay lahaayeen.

 

Horseed Media