Maamullada degmooyinka uu JPLG-gu ka shaqeeyo oo Garoowe aqoon isweydaarsi uga furmay [Cod+Sawiro]

Published: February 11, 2012

Xarunta wasaarada arimaha gudaha, dowladaha hoose, iyo horumarinta reer miyiga ee magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay aqoon isweydaarsi ku aadan baahinta maamulka.

Siminaarkan oo ay ka qayb gelayaan maamulada todobada degmo ee uu ka shaqeeyo barnaamijka horumarinta ee JPLG ayaa waxaaa maanta furay wasiirka wasaarada arimaha gudaha, dowladaha hoose, iyo horumarinta reer miyiga Cabdilaahi Puntland Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Wasiirku wuxuu sheegay in aqoon isweydaarsigani uu yahay mid loogu tala galay maamulada degmooyinka uu ka jiro JPLG, islamarkaana uu yahay mid ay ka faa`iidi doonaan baahinta maamulka iyo hirgelinta mashaariicda ay nasiibka u yeesheen.

Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa dhinaca kale ugu baaqay ka qayb gelayaasha aqoon is weydaarsigan inay uga faa`iideystaan si wanaagsan maadaama uu yahay mid horumarinta degmooyinka ka caawin doona.

Dhegeyso codka wasiirka

[powerpress]

Aqoon isweydaarsiga maanta ka furmay xarunta wasaarada arimaha gudaha ee Puntland oo ay ka qeyb gelayaan maamulada 7-da degmo ee uu ka shaqeeyo JPLG ayaa socon doona 3-maalmood.

JPLG waa barnaamij horumarineed wuxuuna ka shaqeeyaa 7-kamid ah degmooyinka Puntland oo kala ah Garoowe, Booosaaso, Qardho, Gaalkacyo, Jariiban, Eyl, iyo Bayla, waana barnaamij ay maal geliyaan 5-hay`adood oo caalami ah.

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe