Maareeye kuxigeenkii shirkada Golis oo caawa Boosaaso lagu dilay

Published: August 7, 2018

Allaha u naxariistee Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii waxa ay gudaha Magalada Boosaaso ku dileeen Cabdulaahi Cali Cumar oo ahaa Mareeye ku xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis.

Marxuumka ayaa la dilay xili uu kasoo baxay masjidka Rowda oo uu salaadii cishe kusoo tukaday ,waxaana la sheegay in ay toogteen rag ku hubeysn bastoolado kuwaasoo qaarka sare ee jirkiisa kala dhacay xabado.

Dilka kadib ayaa la sheegay in ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Puntland kuwaasoo baaritaano ka bilaabay halka uu dilka ka dhacay walow aanay ku guuleysan soo qabashada raggii ka dambeeyay dilka marxuum Cabdulaahi Cali Cumar.

Dawlada iyo Shirkada Golis oo marxuumku uu ka mid ahaa maamulkeeda weli kama aysan hadlin dilka loo geystay marxuum Cabdulaahi Cali Cumar, mana jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaas

Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun

Anaguna hadaan nahay Bahda Horseed Media waxaan tacsi u diraynaa dhamaan eheladii iyo qosykii uu ka baxay marxuum Cabdulaahi Cali Cumar , waxaan leenahay samir iyo iimaan allaha ka siiyo marxuumkana isagana janadii fardowsa Allaha ka waraabiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *