
Machadka cilmibaarista ee Heritage ayaa soo saarey daraasad ka kooban 30 bog oo si wanaagsan uga hadleysa daastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo dib-u-eegistiisi qaadatey muddo aad u dheer, iyada oo laba guddi isaga danbeeyeen, kuwaas oo soo jeedino iskhilaafsan soo saarey, haatana la sugaayo guddigii saddexaad ee dib-u-eegista in la dhiso.
Diraasadda ayaa soo bandhigtey sida labada guddi ee midna la dhisey baarlamaankii 9aad, midka kalena la dhisey Baarlamaankii 10aad ay ugu kala aragti duwan yihiin dib u eegsita ay sameeyeen iyo soo jeedintooda.
Cilmi baarista ayaa lagu ogaadey caqabadaha ugu weyn ee dastuurka Soomaaliya u noqon waayey taabo-gal in ay tahay afduubka siyaasiyiin kooban ku hayaan, bulshada oo aan fahamsaneyn muhimadda dastuurkan u lee yahay oo doorkoodi maqan yahay, sidoo kale markii dastuurka la samaynaayey waxaa awooddii oo dhan maroorsadey 6 nin iyo ergaygii qaramada midoobey ee xiligaas Augustino Mahiga.
Cilmibaaristu waxa ay heshay in siyaasiyiin koobani inta badan afduubaan hannaanka dajinta iyo dibu-eegista dastuurka, taas oo keentay: siyaasad aan loo dhammayn, maqnaanta kaqaybgalka bulshada, daahfurnaan la’aanta iyo qiimayn la’aanta khibradaha maxalliga ah.
Heritage Institute
Diraasaddan cusub ayaa si faahfaahsan u qaadaa-dhigaysa, qoraalada is diidan ee ka soo baxay labada guddi ee 2016 iyo 2020, iyo sida ay isu khilaafsan yihiin dasuurada dowlad goboleedyada iyo kan federaalka.
Sida cilmi-baarista lagu ogaadey labada guddi ee la-socodka dib-u-eegista dasuurka (2016 iyo 2020) waxa ay go’aanno, iyo talooyin kala duwan ka soo saareen arrimaha dastuurka ee lagu muransanyahay. Guddida la-socodka koowaad ee baarlamaanka 9-aad ayaa soo saartay sagaal qodob oo la isku mari la yahay, kuwaas oo todoba ka mid ah la isku sii maandhaafay:
- Awood qaybsiga DFS iyo dowlad-goboodyada,
- Qaybsiga khayraadka dalka,
- Awoodaha madaxweynaha
- Awoodaha raysalwasaaraha,
- Doorka Aqalka Sare ee baarlamaanka,
- Maqaamka caasimadda,
- Dhalashada iyo qaabaynta garsoorka.
Sida lagu sheegay cilmi-baarista guddida labaad ee la-socodka labada gole ayaa kordhiyey qodobbadii la isku hayey, iyaga oo ku daray shan qodob oo kale, sidaas darteed waxa laga dhigay 14 qodob.