Macron oo booqanaya Ruushka & Ukraine si loo qaboojiyo xiisada

Published: February 7, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa ku wajahan magaalooyinka Moscow iyo Kyiv iyadoo ay socoto dadaalo diblumaasiyadeed si loo baajiyo isku dhaca dhexmara Ruushka iyo NATO.

Xili ay jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeysa Ukraine & Russia, dadaalo diblomaasiyadeed oo caalamiga ah ayaa socda maanta oo isniin ah, iyadoo Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Ruushka ay ku wadahadli doonaan Moscow, halka Ra’iisul wasaaraha Jarmalka uu ku wajahan Aqalka Cad si uu ulla kulmo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Isla maanta, waxaa caasimada Ukraine ee Kyiv laga sugayaa Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jarmalka, Czech, Slovakia iyo Austria, kuwaasoo hoos u dhigay digniintii Mareykanka ee ahayd in Moscow ay sare u qaadday isu diyaarinta duullaanka weyn oo ay kusoo qaado Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu 110,000 oo askari isugu geeyey xadka ay la wadaagaan dalka Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *