Macron oo markale booqday Beyruut

Published: September 1, 2020

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay booqasho ku tagay magaalada Beyruut saacado kadib markii xisbiyada dalkaasi isku raaceen Raysalwasaaraha cusub oo loo magacaabay Mustafa Adib oo horey u ahaa safiirka wadankaasi u joogay Germany.

Macron ayaa safarkiisii 2aad ku tagaya caasimada Lubnaan kadib qaraxii 4tii Agoosto ka dhacay magaalada ee burburka baaxadleh geystay. Madaxweynaha Faransiiska ayaa horey u balan qaaday inuu soo booqan doono magaalada isagoo sheegay inuu ka qeyb qaadanayo dadaalka dib u dhiska iyo gargaarka loo fidinayo Lubnaan.

Faransiiska ayaa kamid ahaa dalalka Beesha Caalamka ee cadaadiska ku saaraya siyaasiyiinta Lubnaan inay xaliyaan khilaafkooda.

Emmanuel Macron ayaa bishii hore sheegay in Beesha Caalamka aysan wax dhaqaale ah siin doonin dowlada Lubnaan hadii aan wax laga qaban arrimaha musuq maasuqa, waxaana muuqata in cadaadiskan uu saameyn ku yeeshay dhinacyada isku haya siyaasada Lubnaan oo si buuxda u taageeray Raysalwasaaraha cusub ee Isniintii shalay la magacaabay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *