Madasha oo Ka Hortmid Go’aankii Barlamaanka Galmudug ay Xilka Kaga Qaadeen Cabdikariim Guuleed.

Published: January 13, 2017

Warsaxafadeed ka soo Baxay Xafiiska MadaxtooyadaSoomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan Hoggaanka madasha qaran ay khadka telefoonka ah ku yeesheen 11-12 January 2017-da laga ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sharci darro ku tilmaameen go’aankii barlamaanka galmudug ay xilkii kaga qaadeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in Kulankan uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra`iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra`iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble.

Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
“Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.

Gabagabadii, Warsaxafadeedka waxaa lagu xusay in hoggaamiyayaasha madashu ayku baaqeen in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.

Arrintu siday Doonto ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh ayaa ka horyimid go’aankii barlamaanka Galmudug, isagoo la saftay Madaweynihii xilka laga qaaday ee C/kariim Xuseen Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay go;aankaasi mid aan la aqbali karin.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *