Madasha Xisbiyada Qaran Oo Ka Hadlay Shirka Dhuusamareeb 3

Published: August 18, 2020

Madasha xisbiyada qaran ayaa walaac ka muujiyey wajiga seddexaad ee shirka dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

War qoraal oo kasoo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa loogu baaqay madaxda heer federaal iyo maamul goboleed inay qadariyaan marxalada adag ee dalku marayo, waxayna ku eedeeyeen guddiga farsamada doorashooyinka in uusan wax wadatashi ah la samayn madasha.

Madasha ayaa muddo kororsi uga digtay dowlada Farmaajo.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *