Published: August 2, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/madasha.jpg)
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay xukuumadda xilka sii heysa ku ansixiyeen golaha adeegga garsoorka iyo hay’adda batroolka.
War-murtiyeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay tahay xukuumad xil-gaarsiineed, isla markaana aanay laheyn awood sharciyeed oo ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah.
Madasha ayaa madaxweyne Farmaajo uga digeen inuusan xubnahan wareegto kusoo saarin.
Hoos ka akhriso:
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/war-saxafaded-556x720.jpg)
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/08/war-saxafaded-1-556x720.jpg)
Horseed Media