Madasha Xisbiyada Qaran Oo Soo Dhoweeyey Heshiiska Dhuusamareeb3

Published: August 22, 2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyey heshiiskii kasoo baxay wajigii seddexaad ee shirkii Samareeb ex-Dhuusamareeb ee ay soo saareen madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo kasoo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay madashu soo dhowaynayso habka doorasho ee kasoo baxday Dhuusamareeb 3, taasoo ahayd nidaamka xisbiyada badan.

Madasha ayaa ku baaqday in mar kale dib la isugu laabto si go’aan midaysan looga gaaro doorashada dalka ayna yimaadaan madaxdii shirka ka maqnayd ee Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena lagu casumo saamilayda siyaasadda gaar ahaan hogaanka asxaabta iyo ururada bulshada rayidka.

Khilaafka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayey ku talisay madashu in xal loo raadiyo si loo fudaydiyo maaraynta marxalada kala guurka iyo heshiisyada muhiimka ah.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *