Madasha Xisbiyada Qaran Oo Taageeray Shirka M/Goboleedyada Ee Ka Dhacaya Dhuusamareeb

Published: July 7, 2020

War saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray shirka khamiista 9ka bishan July ka furmaya dhuusamareeb ee ay isugu imanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegtay inay ka xun tahay shirkii amniga qaranka ee dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo loo ballansanaa inuu qabsoomo 5-8da bishaan July.

Sidoo kale madasha xisbiyada ayaa ifafaalo aan wanaagsan ka muujiyey ka maqnaashaha hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ee shirka Dhuuusamareeb.

“Ka maqnaashaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb waxaa ay muujineysaa ifafaallo aan wanaagsaneyn, Madasha XQ waxay kula dar-daarmeysaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan gudashada waajibaadka ka saaran howlaha Dastuuriga ah ee suurtogelin kara doorashooyin xor iyo xallaal ah, isla markaasna si nabad ah ku dhaca” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madasha.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *