Ruushka: Qarax lagu dilay Jeneraal sare oo ka dhacay magaalada Moscow

1 day ago

General Igor Kirillov wuxuu ahaa madaxa ciidamada ilaalinta Nukliyeerka, Bayooligiga iyo kiimikada ee Ruushka.

Qaraxa ka dhacay magaalada Moscow subaxnimadii Talaadada ayaa lagu dilay jeneraal sare oo qaabilsanaa ciidamada ilaalinta Nukliyeerka ee Ruushka, sida ay sheegeen guddiga baaritaanka ee Ruushka.

“Igor Kirillov, madaxa nukliyeerka, kiimikooyinka iyo ciidamada ilaalinta hubka bay’oolajiga ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka, iyo kaaliyihiisa ayaa la dilay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga baaritaanka wada soo saareen.

Ugu yaraan hal qof oo kale ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Ukriane oo sheegtey in ay ka danbeeyeen dilkiisa.

Warbaahinta Ukraine ayaa sheegtay in Lt Gen Kirillov ay dileen ciidamada ammaanka ee Ukraine.

Jariidada Kyiv Independent iyo wakaalada wararka ee RBC Ukraine ayaa sheegay in ay dileen ciidamada amaanka ee Ukraine ee loo yaqaan SBU, iyagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin oo ka tirsan wakaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay bannaanka dhismo la deggan yahay oo ku yaal xaafadda Ryazansky Prospekt, oo qiyaastii 4 mayl (7 km) koonfur-bari ka xigta aqalka Kremlin-ka. Sida laga soo xigtay ilo booliis ah oo ay soo xigatay warbaahinta ay dowladdu maamusho ee RT, waxaa qaraxa loo adeegsaday qalab guri lagu sameeyay.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo qariyay mootada korontada ku shaqaysa ee loo yaqaan Scooter. Wakaalladda Wararka Ruushka ee Tass ayaa ku warantay in laga hagay meel fog.

Isniintii, mas’uuliyiinta Ukraine waxay dacwad ku soo oogeen Kirillov isagoo maqan oo lagu eedeeyay inuu hub kiimiko ah u isticmaalay Ukraine.

BBC oo xiganaysa ilo kala duwan ayaa sheeganeysa in Kirillov uu ahaa “bartilmaameed sharci ah” tan iyo markii uu noqdey dambiile dagaal oo bixiyay amar ah in loo isticmaalo hubka kiimikada ah ee la mamnuucay militariga Ukraine.

HORSEED MEDIA