Madaxa NATO oo Trump wadahadal kula yeeshay Florida

23 November, 2024

NATO oo madaxda la doortay ee maraykanka kala hadlaysa sidii loo xoojin lahaa isbahaysiga.

Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa Jimcihii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump kula kulmay magaalada Palm Beach, Florida, afhayeen u hadlay isbaheysiga militariga transatlantic ayaa sheegay Sabtidii.

“Waxay ka wadahadleen arrimo badan oo khuseeya ammaanka caalamiga ah ee wajahaya Isbaheysiga,” ayuu afhayeenka, Faarax Dakhlallah, ku yiri hadal kooban.

Boggeeda, NATO waxay sheegtay in Rutte iyo kooxdiisu ay sidoo kale la kulmeen Congressman Mike Waltz, oo Trump u doortay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka marka uu ku laabto Aqalka Cad, iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda amniga qaranka ee madaxweynaha la doortay.

Jimcihii, NATO kama aysan jawaabin codsiyo lagu doonayay inay faallo ka bixiyaan wararka warbaahinta Nederlaan ee sheegaya in Rutte – ra’iisul wasaarihii hore ee Netherlands – uu u duulay Florida isagoo raacay diyaarad ay leedahay dowladda Holland si uu ula kulmo Trump.

Rutte, oo xilka madaxa NATO la wareegay bishii hore, ayaa loo arkaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu wanaagsan Yurub ee xiriir wanaagsan la sameeyay Trump intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay, 2017-21 ee madaxweynaha Mareykanka.

Horseed Media