Madaxa Qaramada Midoobay Guterres oo booqday xaduuda Rafah ee Masar kahor inta aan gargaarka la gaarsiin Gaza

Published: October 20, 2023
Shares22

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Jimcihii booqday dhanka Masar ee xuduudka Rafah ee Gaza, si uu u kormeero diyaargarowga ku aaddan sidii gargaar caalami ah loo gaarsiin lahaa deegaannada ay dagaalladu aafeeyeen.

Booqashada Guterres ayaa timid kadib markii la sheegay in Masar iyo Israa’iil ay ogolaadeen in 20 gawaarida xamuulka ah ee gargaarka sida loo fasaxo inay tagaan Gaza. Balse xaduuda ayaa weli xiran wuxuuna Xoghayaha Qaramada Midoobay markale ku baaqay in xaduuda la furo isla markaana la dhaqan geliyo xabad-joojin.

Guterres ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin go’adoonka Gaza ee shacabka loo diiday biyaha, cuntada iyo adeega aasaasiga ah, xili ay ku socoto duqeyn xad-dhaaf ah.

Israel ayaa illaa iyo hada duqeynteeda ku dishay in ka badan 4.137 qof, sidoo kale ciidamada Israel ayaa bilaabay hawlgalo ay ku weerarayaan deegaanada kale ee Falastiin ee Daanta Galbeed oo ay ku dileen in ka badan 81 qof oo Falastiiniyiin ah.

Dhinaca kale waxay duqeynmo ka socdaan xaduuda Israel la wadaagto Lubnaan, halkaasi oo ay xoogaga Xisbullah ay gantaalo ku dhufteen tiro taangiyada Israel ah. Waxayna Israel iyaduna duqeysay qeybo kamid ah koonfurta Lubnaan.

Israel ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in ay ka daadgureyn doonto in ka badan 20,000 oo qof oo deggan deegaanka ay maamusho ee Kiryat Shmona, oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee ku yaalla xudduudda waqooyi ee ay la wadaagto Lubnaan kadib duqeynta halkaasi ka dhacday.

Horseed Media