Madaxa Xuquuqul Insaanka ee UN-ka oo codsadey in baaritaan lagu sameeyo denbiyada Somaliland ka geysatey Laascaanood

Published: February 7, 2023
astaanta Qaramada Midoobay

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa maalintii Talaadadii ugu baaqay maamulada Soomaaliya in ay xaqiijiyaan baaritaan madax banaan, wax ku ool ah, oo dhexdhexaad ah kadib markii dad badan lagu dilay iska horimaad ciidamada Somaliland iyo qabiilada deegaanka ku dhex maray Laascanood oo bilowday 5tii Febraayo.

“Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, waxaana lagu qiyaasay 119 kale inay ku dhaawacmeen Laas Canood – oo ay ku jiraan carruur – dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan qabiilka deegaanka,” ayuu yiri Turk. 

“Waxaan ka walaacsanahay wararka sheegaya in iskahorimaadyadu ay sii socdaan maanta iyadoo ay jiraan khasaare kale oo cusub.”

“Dilalkan sharci darrada ah ee suurtogalka ah waxay imaanayaan hal bil uun ka dib markii ugu yaraan 20,000 oo qof ay ku barakaceen iskahorimaadyada Laas-caanood, waxayna gacan ka geysan karaan barokac kale, taas oo sii kordhinaysa xaaladda bini’aadantinimo ee horeba u jilicsanayd ee gobolka.”

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan isku dhacyada si loo go’aamiyo cidda mas’uulka ka ah oo lagula xisaabtamo maxkamadeyn caddaalad ah, oo ay ku jirto burburka la soo sheegay ee guryaha.”

Laascanood waxa ay ka tirsan tahay gobolada Sool iyo Sanaag, oo ay kala sheeganayaan “Somaliland” iyo Puntland.

DHAMAAD