Madaxaweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shir madaxeedkii 28-aad ee Jaamacadda Carabta

Published: March 29, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay Shir Madaxeedka 28aad ee Jaamacadda Carrabta, ayaa la wadaagay madaxda ka qeyb galaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

“Waxaan u baahannahay inaan mideyno dadaalkeenna si looga gudbo caqabadaha na horyaalla. Waa inaan dardargelinaa sidii loo ilaalin lahaa mustaqbalka dadkeenna. Waxaan ugu baaqayaa walaalaha ku dagaallamaya Ciraaq, Suuriya, Liibiya iyo Yemen in ay colaadda joojiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale, ku sheegay khudbad qoraal ah oo loo qeybiyay wufuuda ka qeyb galaysa shirka, in dimuqraadiyadda ka hana qaadday Soomaaliya ay tilmaam wanaagsan u tahay horumarka iyo soo kabashada dalka.

“Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka hareeyay dunida Carabta, haddana waxaan bishaaro idiinkaga wadaa Soomaaliya, oo bilowgii sanadkan ay ka dhaceen doorashooyin, si nabad ah ku dhamaaday oo aan horay loo arag, dimoqraadi ah, xor ah, daah furan oo dunida oo dhan ay daawaneysay, ka soo bilow doorashooyinkii Barlamaanka. Waxaa xigay doorashadii madaxweynaha oo aan ka xamaasad yareyn, taas oo xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay doorteen madaxweyne cusub, iyaga oo ka turjumaya rabitaanka Shacabka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula taliyay walaalaha Carbeed ee dalalkoodu ay ka jiraan dagaallada in ay cashar ka bartaan waayaha ay soo martay Soomaaliya, isaga oo u sheegay in xalka kaliya ee looga gudbi karo khilaafyada haatan ka jira dalalkooda in ay tahay in ay wada xaajood iyo isu tanaasul.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qiray in wali Soomaaliya ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin abaaro dad iyo duunyaba laayay oo isu badalay xaalad macaluul oo ay wehliso amni xumo oo ay sababtay argagixisada caalamiga ah.

“Abaaraha ka jira Soomaaliya waxay sababeen in xoolo badan ay dhintaan, taasoo dhaawacaysa ishii ugu muhiimsanayd dhaqaalaha dalka. Dad ka badan 3 milyan oo ruux ayaa haatan wajahaya duruufo khatar galin kara naftooda, haddii aan lala gaarin gar-gaar deg-deg ah. Si looga gudbo caqabadahaas, waxaa loo baahan yahay inaan la imaanno qorshayaal maan-gal ah iyo taageero hagar la`aaneed oo ay nala garab istaagaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa yiri “Arga-gixisada waa khatarta ugu weyn ee Soomaaliya ka hortaagan horumarka iyo xasilloonida xilliyadii u dambeeyay. Waxaan ugu baaqayaa caalamka oo idil in ay meel qura uga soo wada jeeestaan, lana mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo arga-gixisnimada.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *