Madaxda DFS oo shacabka Muqdisho Salaadda Ciidda kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale

Published: July 9, 2022

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cali Barre iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa saakay Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay caasimadda dalka.

Madaxweynaha Somaliya oo Salaadda ka dib khudbad u jeediyay dadkii ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, ayaa marka hore waxaa uu dadka Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Wuxuuna Madaxweynaha ka waramay marxaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo abaaraha baaxadda leh ee ku dhuftay dalka.

Madaxweynaha ayaa umadda Somaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo buuyiri amniga guud ee dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *