Madaxda Dowladda Federaalka Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Puntland Ee Mar Kale La Doortay

Published: January 8, 2024

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u direysa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne kuxigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxayna u rajeeyeen inay ku guuleystaan waajibaadka loo igmaday.


Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya .

Horseed Media