Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada oo shir uga furmaya Baydhabo

Published: March 16, 2023
Shares14

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada ayaa maanta shir ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Jubbaland.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaya ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Abdi Bare, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen iyo Madaxweyniyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Ahmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe. ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu isna maanta gaaro Baydhabo halka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeyb galeyn shirkan.

Horseed Media