Madaxda Federaalka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Aadan

Published: April 18, 2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Dhinaca kale,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey, kuxigeenka  2-aad  Mahad Cabdala Cawud wasiirka warfaafinta dhaqalka iyo dalxiiska ee Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Maxaed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Amniga gudaha ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale iyo dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlmaanka Soomaaliya ay ugu tacsiyeeyay Ehelkiisa & Ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allha u naxariistee  Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xasan (Jamhuuriya) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Xildhibaan, Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku xaalad Caafimaad ugu jiray Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho ayaa Saaka geeriyooday.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *