Madaxda Galbeedka Afrika oo ka shiray Iskaashiga la dagaalanka kooxaha Xagjirka ah

Published: April 23, 2024
Shares38

Hogaamiyayaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ku baaqay iskaashi dheeri ah ee gobolkaasi si loola dagaallamo argagixisada.

Isniintii shalay ayey magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya shir madaxeed ku yeesheen hogaamiyayaasha dalalkaasi oo ku baaqay in xalka caqabadaha amniga ee gobalka aan laga raadin dalalka shisheeye ama reer Galbeedka balse ay iyagu iskaashadaan.

Qodobada ay ka hadleen ayaa waxaa kamid ah abuurista ciidan goboleed oo si gaar ah ulla dagaalama kooxaha hubeysan.

“Xarunta argagixisanimada waxay ka soo wareegtay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika waxayna u soo gudubtay dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ee Sahel,” Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Mohammed ayaa ka sheegtay shir madaxeedka la dagaalanka argagixisada ee Abuja.

Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo iyo Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbe ayaa kamid ahaa hogaamiyayaasha soo jeediyey iskaashi heer gobol ah, wadaagis xogta sirdoon iyo sidii loo abuuri lahaa ciidan heer gobal ah oo heegan ah.

Horseed Media