Madaxda Jubaland oo isku khilaafay taageerada xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse

Published: August 5, 2022

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si wadajir ah u qaadacay Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxda ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre loou xadgudbay awood qeybsiga Beelaha Daarood, isla markaana ay qaateen go’aan ah inay midoobaan ayna tashadaan.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa waxa uu soo dhoweeyay xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland ayaa ugu baaqay barlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Mowqifka Jubaland ee xukuumadda cusub

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u muuqata inay ku kala qeybsantay xukuumadda Soomaaliya, taasoo laga yaabo inay bannaanka keento khilaaf aan weli dibadda usoo bixin oo ka dhex taagan Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Marka laga soo tago hadallada labada Madaxweyne kuxigeen weli ma cadda mowqifka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo qeyb ku lahaa soo magacaabistii Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *