Madaxda Soomaalida oo ka tacsiyaysay Geerida Nuur Cadde.

Published: April 1, 2020

Madaxda Soomaalida ayaa dhambaalo kala duwan oo tacsi ah ka diray geeridii ku timi Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xusee Nuur Cadde oo saaka ku geeriyooda London.

Masuuliyiin oo intooda badan war-saxafadeed soo saaray ayaa si isku mid ah ugu tacsiyeeye Ummada Soomaaliyeed, Ehelkii iyo qarabadii uu ka tagay Raysal-Wasaare Nuur Cadde, waxayna ilaahay uga rajeeyeen in uu janatul-fardawsa ka waraabsho.

Raysal-wasaare Khayre Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Dawlada Federaaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulada dalka ayaa ka mid ah dadka ka tacsiyeey geeridaan.

Nuur Xasan Xuseen ayaa si wayn siyaasada Soomaaliya loogu yaqiinay, Sanadihii 2007-2009,dowladdii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayuu Raysal-wasaare kasoo noqday, Sidoo kale waxaa uu danjire ka noqday Wadamada Yurub.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *