Madaxdii hore ee dalka oo ka digey go’aamada madaxweyne Xasan Sheekh ee masiirka dalka

19 October, 2023

Waxaan 11kii iyo 12kii bishii Luuliyo ee sannadkan ka qayb galnay shir uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

War murtiyeed
19/10/2023

Waxaan 11kii iyo 12kii bishii Luuliyo ee sannadkan ka qayb galnay shir uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku qoran yihiin. Ujeeddada shirkaas waxa ay ahayd in laga tashado talo soo jeedintii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee ku taariikhaysnayd 27.05.2023.

Gunaanadkii shirkaas waxa uu Madaxwaynuhu ballan qaaday in talooyinkii aan soo gudbinnay lala wadaagi doono Baarlamaanka, sidoo kalena talada go’aannadan masiiriga ah ay qayb ka noqon doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida; (Culimada, Aqoonyahanada, Dhallinyarada, Haweenka iyo Ganacsatada) inta aan talo soo jeedinta GWQ loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxwaynuhu ballan qaaday in la isugu soo noqon doono shirar kale, lana ballaarin doono dadka ka qayb qaadanaya, lana gaarsiin doono wadatashiga arrimahan masiiriga ah dhammaan gobalada dalka inta aan loo gudbin Baarlamaanka ka hor.

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Dowlad-gobaleedka Puntland oo aan talasoojeedinta GWQ qayb ka ahayn, laga qayb gelin doono geeddi socodkan muhiimka ah inta aan loo gudbin Baarlamaanka si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Madaxwaynuhu waxa kale uu ballan qaaday in ay muhiim tahay in laga sii tashado dib-u-eegista Dastuurka iyo dowrka Soomaaliland inta aan loo gudbin Baarlamaanka.

Haddaba waxaa nasiib-darro ah in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka, kuna tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo laddagaallanka argagixisada.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku war gelinaynaa in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo talo aan loo dhammayn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.

Haykalka dowladnimo ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qayb geliyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah.

Waxaan ka digaynaa in aan khatar la gelin nidaamka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qaybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

Madaxwaynuhu malahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa talo loo dhan yahay oo la isla oggol yahay waafaqsanna shuruucda dalka u degsan.

Madaxwaynuhu go’aan kama gaari karo qaab fulineedka doorashooyinka dalka ee waa in ay talo ku yeeshaan dhammaam saamilayda siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si waafaqsan shuruucda dalka.

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxaamuud in aanu isku deyin muddo kordhin sharci darro ah, heer federaal iyo heer dowlad gobaleed dalkana dib ugu celin dariiqii mugdiga ahaa ee Alle naga soo samatabixiyay. Ma jiri karto daruuf Madaxwaynaha JFS, ku qasbi karta in uu u bareero sharci darro iyo wax walba oo baalmarsan dastuurka dalka.

Waxaan Madaxwaynaha ugu baaqaynaa in uu joojiyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo hay’adaha sharci-dejinta dalka una madax banneeyo howsha loo igmaday.
Waxaan ugu baaqaynaa kuna boorrinaynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay gutaan mas’uuliyaddii loo igmaday loona soo doortay, dhowraanna Dastuurka, shuruucda dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Waxaan ku talinaynaa in laga foojignaado khatarta iyo qalalaasaha ka dhalan doona Dastuur lagu beddelo gacan taag iyo Kooram aan loo dhammayn, isla markaana baalmarsan shuruucda dalka iyo xeeer hoosaadka Baarlamaanka.

Waxaan ku boorrinaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan siyaasad walba oo dalkan ku keeni karta dib-u-dhac, wiiqaysana geeddi socodka dowladnimada dalka.

Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay isha ku hayaan xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay.

Ugu dambayntii waxaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan kuna garab istaagaan dowladda federaalka iyo madaxdeeda la dagaalanka argagixisda.

Waxaa bayaankaan soo saaray:

  1. Sharif Sheekh Axmed
  2. Shariif Xassan Sheekh Aaden
  3. Prof Maxammed Shiikh Cusmaan Jawaari
  4. Cumar Cabdirashid Cali Sharmake
  5. Cabdiweli Shiikh Ahmed
  6. Xasan Cali Khayre
  7. Ridwaaan Xersi Maxammed
  8. Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed
  9. Hon Abdulqaadir Cosoble Cali
  10. Dr Cabdinaasir Cabdulle Maxamed