Madaxweyne Geelle oo markale ku guuleystay Madaxtnimada Jabuuti

Published: April 10, 2021

Guddiga Doorashada Madaxtinimada dalka Jabuuti ayaa soo saaray Natiijada Codadka la dhiibtay ee Doorashadii socotay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Gudiga ayaa sheegay in 167,535 ( Boqol Lixdan iyo Todobo Ku,Shan boqol soddon iyo shan ruux) ay codadkooda ka dhiibteen doorashada .

Tirinta Codadka ayay Gudigu sheegeen in Musharax Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu helay 98.58% boqolley codadka la dhiibtay halka Musharaxa la tartamayay ee Sakariye Ismaaciil Faarax oo aan nidaam Xisbi ku galin doorashada uu helay codad dhan boqolley 1.42%.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad noqonaya madaxweynaha dalka Jabuuti.

Sanadkii 1999-kii ayuu dalkiisa ka noqday madaxweyne xiligaasoo uu geeriyooday madaxweynihii ka horeeyay marxuum Abtidoon.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *