Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Xarumaha Dowladda ee Magaalada Gaalkacyo-Sawiro

Published: January 2, 2018

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kormeeray qaar ka mid ah xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo .Madaxwaynaha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Goobaha uu booqday Madaxwaynu ayaa waxaa ka mid ahaa, kantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo, dhismaha dugsiga nabadda, dhismaha maxjarka magaalada, kaamka qaxootiga ee Samawade, xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska ee magaalaga Gaalkacayo.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay kantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacayo, waxaana uu halkaasi Madaxwaynuhu kula kulmay saraakiisha kantaroolka, isagoona ka xog wareystay saraakiishaasi sida ay u socoto shaqada kantaroolku.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu booqday Maxjarka wayn ee magaalada Gaalkacayo kaas oo dhismihiisa ay hirgelisay dawladda Puntland, Isla markaana waxa uu Madaxwaynuhu soo kormeeray guud ahaan dhismaha maxjarka oo heer geba geba ah maraya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo sii wata kormeerkiisa shaqo ayaa waxaa uu kormeeray kaamka Samawade oo ah kaam ay ku nool-yihiin dad barakacayaal ah, kuwaasi oo ay wax yeelaysay abaartii ku dhufatay deegaanadii ay ku noolaayeen, dadka barakacayaasha ah ee kaamkaasi ku nool ayaa Madaxwaynaha uga xog waramay xaaladdooda nololeed iyo tan caafimaadba.

Ugu danbayn, Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiinta kale ee kormeerka ku helinaysey ayaa waxa ay booqdeen goobo ay ka mid ahaayeen Xarumaha ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, waxaana uu kula dar-daarmay Madaxweynu shacabka gobolka Mudug inay ilaashadaan nabad-gelyadooda, xasiloonidooda, horumarkooda iyo wada-jirkoodaba madaama ay yihiin dad ehel ah oo walaalo ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *