Madaxwayne Deni oo socdaal ku tagaya gobolada Sanaag iyo Haylaan

Published: October 29, 2019

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegaya in Madadaxwaynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni uu socdaal ku tagi doono gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Madaxwayne Deni ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaasi oo uu tababar uga furi doono cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta.

Ciidamada uu tababarka u furi doono Madaxwayne Deni ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 500 oo askarki, kuwaas oo tababar ku qaatay kulliyadda Tababarka ciidamada degmada Qardho ee Xorgoble.

Deni ayaa inta uu magaalada Qardho joogo, waxa uu kulamo  la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana wuxuu kormeer ku samayn doona goobo muhiima oo ku yaalla degmadaasi.

Socdaalkiisii ugu horeeyay ayuu Deni ku tagi doonaa degmooyin ka tirsan gobollada Sanaag iyo Hayland, halkaasi oo uu kormeer ku soo samayn doono, si uu ugu kuur-galo mashaariicda ka socota degaannadaasi.

Degmooyinka Dhahar iyo Badhan ayaa kamid ah meelaha uu booqan doono madaxweyne Deni, halkaasi oo uu mashaariic cusub ka dhagax-dhigi doono, islamarkaana uu kormeer ku samayn doono mashaariicda ka socota.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *