2 January, 2020
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii…
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay shacabka beegsanayaan.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.