Madaxwayne Xaaf oo xilkii ka qaaday maamulka degmada Gaalkacyo

Published: January 15, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Gaalkacyo iyo kuxigeenkiisa, isagoo magacaabay Guddoomiye iyo kuxigeen kumeel gaar ah.

Wareegto ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug ee muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa lagu sheegay in lagu kala diray Golihii deegaanka Gaalkacyo, waxaana la sheegay in muddo 90 cisho lagu soo dhisi doono gole deegaan.

Maamulka degmada Gaalkacyo qeybta ah maamusho Galmudug ayaa horay waxaa u soo dooran jiray Gole deegaan ah, kuwaasoo dooran jiray Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa, balse Golaha deegaanka ayaa muddo xileedkiisa dhamaaday.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Gaalkacyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeedo maamul dhisida ka socota Dhuusamareeb, waxaana uu maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu wakaaladdi kala laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *