Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay hawl galo laga fuliyay Jubbada Hoose

Published: January 19, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay isla markaana bogaadiyay hawl galadii saacadahii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Axmad Madoobe ayaa sheegay in ka badan 40 maleeshiyo oo ka mid ahaa kooxda Shabaab ayay Ciidamadu ku dileen hawl galo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deeganada Beerxaani Kaamjaroon Araare iyo Jamaame .

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hawl galadan ay kala dhantaalayaan damacii kooxda ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan.

Madaxweynaha Jubbalan ayaa xusay in Ciidamada sidii loogu tala galay hawl galadan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka ra`yidka ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl galadan ay sii socon doonan isla markana meel walba lagu beegsan doono kooxda Shabaab.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *