Madaxweynaha dalka Vietnam oo geeriyooday

Published: September 21, 2018

Madaxweynaha dowlada Vietnam Tran Dai Quang ayaa la sheegay inuu geeriyooday maanta oo Jimce ah sida laga sheegay warbaahinta dowladaasi.

Tran Dai Quang ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey isbitaal uu leeyahay militariga dalkaasi oo ku yaal magaalada Hanoi, illaa iyo hada macada cudurka uu u geeriyooday Madaxweynaha oo aan wax faah faahin ah laga bixin.

Madaxweyne Quang ayaa la doortay sanadkii 2016, waxaana markii ugu danbeysay lagu arkay goob fagaaro ah Arbacadii lasoo dhaafay, markaasi oo uu soo dhaweyn u sameenayey wafdi ka yimid dalka China.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *