Madaxweynaha DDSI oo khudbad ka jeediyay ESTV

Published: August 4, 2018

Cabdi Maxamuud Cumar madaxwaynaha dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa daqiiqado ka hor kasoo muuqday tvga ku hadla afka dawlad deegaanka, Madaxweynuhu ugu horayn waxa uu tacsiyeeye dadkii soomaaliyeed eek u dhintay shaqooqooyinkii tan iyo saaka ka taagnaa magaalada Jigjiga, sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay dajiyaan oo ka shaqeeyaan xasiloonida magaalada, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wax intaas ka faahfaahsan masii raacin hadalkiisa.

Xaalada Jigjiga ayaa xasiloon hadda, ka dib xaalad kacsanaan ah oo shacabku ay wadeen mudahaaraad waxaa la gubay kaniisado sidoo kale goobaha ganacsiga ayaa albaabada laysugu laabay, Sidoo kale magaalada Diridhabe ayaa waxaa ka socda kulamo iyo shirar lala leeyahay odayaasha beelaha dega goboladaas.

Warar kale oo Horseed Media soo gaaraya ayaa sheegaya in madax sare oo ka tirsan dawlada Ethopia ay galabta gaareen Jigjiga si ay madaxda DDSI ugala arinsadaan xaalada kacsanaanta ah ee ka jirta dhulka soomaalida

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *