Madaxweynaha Falastiin oo Mareykanka ugu baaqay inuu caadaadis saaro Israel

Published: April 28, 2024

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Israa’iil ay ka faa’iidaysatay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas, ayna dooneyso inay burburiso gebi ahaan Falastiin, wuxuuna ugu baaqay Mareykanka inuu cadaadis saaro Israa’iil, xili laga cabsi qabo inay weerarto deegaanka Rafah ee Gaza.

Isagoo ka hadlayay shirka gaarka ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, Madaxweyne Cabbaas wuxuu ugu baaqay quwadaha caalamka, gaar ahaan xulafada Israel ee Mareykanka, inay “wax ka qabtaan danbiyada ay galeyso Israa’iil.”

Waxa uu sheegay in Falastiin ay filayso duullaan baaxad leh oo ay Israa’iil ku qaadi doonto Rafah “maalmaha soo socda,” oo ah aag ay hadda ku nool yihiin Malaayiin Falastiiniyiin ah ee ku baro-kacay dagaalka Gaza.

Hogaamiyaha maamulka Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ka digay in Israel ay weerar balaaran ku qaado Daanta Galbeed kadib marka uu dhamaado dagaalka Gaza.

Cabbaas ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in la dhiso dowlad Falastiin ah oo ay ku jiraan Gaza, Daanta Galbeed iyo magaalada Qudus, iyo in la aqoonsado dowladda Falastiin oo ay kamid noqoto Qaramada Midoobay.

Horseed Media