Madaxweynaha France oo ku baaqay joojinta hubka lasiiyo Israel

Published: October 5, 2024

Madaxweynaha Faransiiska  Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka lasiinayo Israel, si loo joojiyo xasuuqa ka socda Gaza.

Werysi uu bixiyey Macron oo maanta oo sabti ah la shaaciyey ayuu ku sheegay in xalka hada uu yahay sidii wadahadal siyaasadeed lagu dhameyn lahaa dagaalka Gaza.

Macron oo la hadlayey warbaahinta France Inter, ayaa sheegay in hada dowlada France aysan siin wax hub ah Israel.

Wuxuu intaasi raaciyey in dagaalka sii socda uu abuurayo cadaawad xoogan oo aan dan ugu jirin amniga Israel. Sidoo kale wuxuu sheegay inay kasoo horjeedaan in dalka Lubnaan uu ka dhaco burbur lamid ah kii Gaza.

Mareykanka oo ah xulafada France ayaa ah dalka hubka ugu badan siiya Israel, sanad walba dalkaasi ayaa deeq militari oo gaareysa $3 bilyan ugu deeqa Israel, iyadoo sanadkii tagay uu deeq dheeraad ah oo gaareysa $21 bilyan ku wareejiyey xukuumada Netanyahu.

Duqeynta Israel ku wado Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 41,825 qof oo rayid ah oo u badan haween iyo caruur.

Horseed Media