Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo bogaadiyay gulufka lagu xoreyay Ceelhuur

Published: January 14, 2023

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa bogaadiyay gulufka ballaaran, ee ay maanta Ciidamada Dowladda, kuwa Galmudug iyo xoogaga deegaanka kula wareegeen deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa hawlgalka Ciidamada Qalabka Sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur.

Hawlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah maanta u fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka shacabka ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo gebi ahaanba laga sifeeyay kooxda argagxisada ee Al Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida, Daraawiishta Galmudug iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirigeliyay shacabka Galmudug iyo Ciidamada Qalabka Sida inay sii laba jibaaraan hawlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Somaliya.”

Horseed Media