Madaxweynaha Galmudug Axmed QoorQoor oo kormeeray Degmada Xarardheere

Published: January 24, 2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo in ka badan todobaad ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Mudug ayaa kormeer indho indheyn ah ku marey bartamaha Degmada Xarardheere oo dhawaan Al-shabaab laga saaray.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa si gaar ah ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee shacabka magaalada oo horey Al-shabaab u barakicyeen.

Madaxweynaha waxaa kormeerka ku wehlinayey mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka difaaca Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa shacabka u balan qaaday in la howlgalin doono dhamaan adeegyada degmada sida maamulka degmada, caafimaadka, waxbarashada, saldhiga Booliska iyo adeegyada kale.

Horseed Media