Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusomareeb ka furay hanaanka adeeg daadejinta dowladda hoose

Published: November 8, 2021

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furka hanaanka adeeg daadejinta dowlad hoose degmooyinka maamulka Galmudug.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen wasiirro, xildhibaano, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweyne Qoor Qoor ka daah-duray mashruucaan.

Hey’adda UNISEF ayaa maamulka Galmudug ka taageereysa hirgelinta mashruucaan daadejinta adeegyada dowladaha hoose ee degmooyinka, waxuuna muhiim u yahay adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Barnaamijkan ayuu daahfurkiisu yimid kadib markii Galmudug ay noqotay maamulka 3-aad ee wax un hormar ah ka sameeyey daadejinta adeegyada dowladaha hoose.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *