Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb

Published: December 20, 2022
Shares2

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Masuuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur gacal, xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, maamulka caasimadda iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa safaro dalka dibadiisa

Degaanada Galmudug ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay ka bilowdaan dagaallo ka dhan ah AL-Shabaab,iyadoo Horay qoorqoor uu u sheegay in ay degaanada laga haysto dhulka ka Galmudug ay ka bilaaban doonan howgallo ka dhan ah AL-Shabaab.

Horseed Media