Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacyo

Published: September 13, 2024

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey guddoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee labada maamul, odaayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Cabdi Kaariye oo wajahaya loolanka doorashada Galmudug ee kaga imaanaya dhinacyada la tartamaya ayaa la filayaa inuu kulan la qaato madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii ugu dambeeyey joogay magaalada Gaalkacyo.

Horseed Media