Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Al-Shabaab ay colaad ka dhex oogayaan bulshada

Published: September 19, 2022
Shares2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab ay colaad ka dhex oogayaan bulshada, iyagoo markaasi ka faa’iideysanaya daldaloolada dhanka bulshada ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in Al-Shabaab hub isugu dhiibaan beelaha walaala ah, iyagoo markaasi fahamsan yahay halka ay bulshadu ka jiran tahay.

“Walaalayaal waxaa hadda ku soo kordhay, sidii ay qabaa’ilka dhibkaa isugu qabi jireen in argagixisadu ay hadda ka shaqeynayaan, sidii ay beelaha isugu diri lahaayeen, si ay u fushadaan danahooda guracan iyo dhagartooda qotada dheer, waxay ka shaqeeyaan inay beelaha isku diraan, way isu hubeeyaan, rasaas bay isugu dhiibaan, dad fitno wadayaal ah ayay soo dhex maraan, waxay leeyihiin meel hebla gob ka qod, meel hebla dhis, waayo waxay ogyihiin bulshadu meesha ay ka jiran tahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaas sii raaciyey “Waxay leeyihiin reer hebel iska dhiciya, rasaastan qaata, waa shaqo ay muddooyinkan dambe ku howlanaayeen. Waxay rabaan inay dadka iyagu ku jeedsan oo dadka dhexdooda isu jeedsadaan, oo dhexdooda isu dhibaatoodaan.”

Maadaxweyne Qoorqoor ayaa beelaha ugu baaqay “Hadda waxaan rabnaa inaad heshiisaan oo dhexdiina heshiisaan, cadowga argagixisada arxanlaaweyaasha ahna aad u heshiisaan, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Qoorqoor ayaa reer Galmudug meel ay jooggaanba ugu baaqay inay si siman uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si dhagartooda iyo dhibaatadooda uga fogaadaan.

Deegaanada Galmudug qaybtood ayaa waxaa ka soconaya kacdoon ay dadka deegaana ka wadaan, kana dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Horseed Media