Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in maalmaha soo socda Al-shabaab la xoreynayn doono deegaano horleh

Published: December 2, 2022

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Ah ee Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug, gudoomiyaasha degmoonyinka Cadaado iyo Baxdo ayaa soo kormeeray xaaladda guud ee deegaanka iyo difaacyada iyo furimaha ciidanka deegaanka iyo ciidamada qalabka sida oo iskaashanaya.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo meel fagaara ah kula hadlay qaar ka mid ah ciidamada, ayaa bogaadiyay sida ay ula dagaalameen Al-shabaab oo dhowr jeer isku dayay inay soo weeraran deegaan Qaayib.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab lasii joogteynayo oo degmooyin iyo deegaano horleh laga xoreynayo maalmaha soo socda.