Madaxweynaha Galmudug oo shir dib u heshiisiineed u furay beelihii ku dagaalamay gobolka Galgaduud

Published: June 25, 2024

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq, kuwaas oo dhawaan maleeshiyaad kala taabacsan ay diriri dhex martay.

Madaxweynah ayaa ku boorriyey salaaddiinta iyo nabaddoonnada inay guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddi culima ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan cidna aysan u eexan, isla markaana ay dowladdu ku garab taagantahay.

Horseed Media