Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Ballanbale

Published: August 16, 2024

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada iyo Dowladda Galmudug isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan, isagoo ballan qaaday in ay dowladdu dhammeystiri doonto waxyaabaha ka dhimman.

Horseed Media