Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Published: October 3, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marxuum Dr Sakariye Maxamed Axmed, Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudoomiye Ku Xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Marxuum Abuukar Maadey iyo dhamaan muwaadiniintii ku dhintay qaraxyadii Al-shabaab maanta ka fuliyeen Magaalada Beledweyne.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna  caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga ciribtirayo Ururka Al-shabaab.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda  Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxyadii maanta dhacay in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Horseed Media